4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Madaxda Shirkadda DP-World

Isniin, April, 15, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha  Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hoggaaminayey maamullaha shirkadda Sultan Axmed Bin Sulayem.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

"Madaxweyne Deni oo ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha  Puntland iyo dar-dargelinta arrimaha maalgashiga ayaa balanqaaday in Xukuumadda cusub ee Puntland samayn doonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland." ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

Shirkadda DP-World ayaa ballanqaaday in ay dedejin doonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kale la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha, waxaana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]