4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Askari ka tirsan ciidamada SPU oo lagu dilay Boosaaso

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-Askari ka tirsan ilaada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay duhurnimadii maaanta askari kale oo isla ciidanka illaada hay’adaha ah.

Dilka ayaa dhacay xili ay askarta ku sugnaayeen xarun ay deganyihiin dhawr hay’adood uu ku taalla magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay VOA.

Lama oga sabata ka danbaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xusseen Cali Maxamed oo ay VOA  la xiriirtay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka  gaystay, isla markaasna ay baari doonaan sababta askarigani uu dilka u  gaysatay. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]