4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2019
Dibadbaxyo ka kala dhacay Garoowe iyo Kismaayo


Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay labada magaalo

Dadka dibadbaxa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan dil Askar ka tirsan ciidamada Puntland uu xalay qof shacab ah ugu geystay magaalada, iyaga oo maamulka Puntland ka dalbanaay in cadaallada la horkeeno Askariga dilka ka danbeeyay.

Dadka careysan ee dibadbaxa dhigayay ayaa taayaro ku shiday  bartamaha magaalada waxaa ay arintaan caqabad ku keentay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga oo dibadbaxayaashu caraqaladeeyeen.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa maanta isugu soo baxay dad ka soo horjeeda dil xalay magaalada loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Saciid Ciise Cabdi oo rag hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Cishaha.

Dadka isugu soo baxay Kismaayo ayaa dalbanayay in la soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka, waxaana ay laamaha Amaanku sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka Nabadoonka.

Magaalada Kismaayo waxaa horey uga dhacay dilal loo geestay Nabadoonmo  caan ahaa m waxaana qaar ka mid ah dilalka lagu sheegay in ay  salka ku hayaan arrimo siyaasadeed,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]