4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Jubbaland oo beenisay in ay jiraan ciidamo u goostay dhinaca dowladda Soomaaliya

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan Boqolaal ciidamo ah oo u goostay dhinaca dowladda Soomaaliya.

In ka badan 200 oo ciidamo ah oo horay uga tirsanaa Jubbaland ayaa ku dhawaaqay iyaga oo ku sugan degmada Luuq in ay ku biireen dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muudeey ayaa BBC u sheegay in ay go’aankan qaateen kaddib markii uu isfaham waa soo kala dhax-galay iyaga iyo maamulka Jubbaland.

Laakiin madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay ‘’ "Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxaa ay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la'aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto", ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland meelna kala jirin sidaa daraadeed warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa jiray xurgub siyasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe ee Federaalka iyo maamulka Jubbaland kaddib doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe oo ay dowladda Federaalka ku tilmaamtay sharci darro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]