4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 million oo Euro

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs; Fowsiiya Abiikar Nuur  oo heshiiskani u matalaysay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in  dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala  gashay in wax loogu qabto caafimaadka dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa  sheegay in ay sii wadayaan taageerada caafimaadka oo ka koobnaan doonta  kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca caafimaadka ee dadka  Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola  shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab  loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu  Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin  doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay dowladda Talyaaniga  taageerada ay siiyaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka iyo Gacan ku haynta  Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan  adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]