3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2019
Dood ku saabsaneyd doorashooyinka 2021 oo Fagaaraha Forum ku dhex martay Xaliimo Yarey iyo Maxamed Madeer (Sawirro)
 
Arbaco November. 06 2019 (HOL)Dood-cilmiyeedka Fagaaraha Forum ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis, waxaana ka qeygal guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismacil Ibrahim (Xalimo Yarey) wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Maxamed C/nuur Madeer, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka qabay doorashooyinka la filaayo ee 2020/21.

Doodan oo aheyd tii 31-aad waxaa furay gudoomiyaha Fagaaraha Forum Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) oo sheegay in mowduucan uu yahay mid muhiim gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed xilligan, khasabna ay tahay in si hufan looga wada doodo.

"Muddoo 4sano iyo dhowr bilood ah waxaan ku soo jirnay barasho iyo is diyaarin sidii aan u qaban laheyn doorasho qof iyo cod ah, waana sida uu dastuurku na faraayo, waxaana doorashadaas ku tartami doona xisbiyo siyaasadeed. Dhamman gobola waxaa nooga furan xaafiisyo, waxaana noo jooga shaqaale, waxaan sameynay wacyi galin badan, waxaan tagnay goobihii aan sanduuqyada dhigi laheyn, waxaana diyar noo ah qalabkii aan dadka ku diiwaan galin laheyn, waxaana diiwaan galinta la billaabi doonaa bisha March ee 2020" ayay tiri Xaliimo Yarey.

"Caqabada kaliya ee naga hortaagan in doorasho dhacdo 2021 waxay tahay Baarlamaanka Soomaaliya oo aan weli meel marin sharcigii doorashada, waxaan idiin ballan qaadayaa inaan doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah aan sameyn doono haddii sharcigaas la meel mariyo" ayay sii raacisay.

Xaliimo Yarey waxay sheegtay in 57 xisbi ay ilaa hadda isdiiwaan galiyeen, laakiin waxay xustay in yihiin kuwa ku meel gaar ah oo aan weli buuxin shuruudihii rasmiga ahaa ee doorashada. "Soomaaliya iyo Caalamku waa isku fahmeen in doorasho qof iyo cod ah la qabto" ayay ku soo gaban-gabeysay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaad iyo daryeelka Bulshada Soomaaliya, kana mid ah aas-aaseyaashii maamul goboleedka KoofurGalbeed Maxamed C/nuur Madeer oo isna dooda ka qeyb galayay ayaa sheegay inaysan u muuqan marxalad lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah xilligan.

"Doorasho qof iyo cod ah waxaa ka horeeya in dalka amnigiisa la sugo oo la nabadeeyo, kaddibna tirakoob la sameeyo, mar kaas kaddib ayaa la qaban karaa doorasho xor iyo xalaal ah, laakiin maanta waxaan aragnaa in dhibaatooyin fara badan ay ka jiraan gobolada dalka, Xamar ayaa la isku heystaa, waayo waxaan ujeednaa inay jirto ka gaabis, ama dib u gurasho ah wixii lagu heshiiyay oo aheyd federaleynta dalka" ayuu yiri Madeer oo intaas sii raaciyay.

"Doorashada Sanad iyo dhowr bilood ayaa ka dhimman, mana naqaan jihada aan u socono ilaa hadda, meelaha qaar dalka xitaa dowladdu kama taliso sidee doorasho looga qabtaa. baarlamaankii aan shaqada u dirsanay wuxuu u muuqdaa inuu wada cuuryaamay gebi ahaanba. Xaqiiqada jirta iyo tallaabooyinka aan qaadeyno waa inaan iswaafajinaaa"
Madeer wuxuu sheegay in dad badan oo shacabka iyo siyaasiyiin ah ay aaminsanyihiin in Madaweynaha iyo Ra'isul Wasaaruhu ogyihiin inaysan suurtogal aheyn in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Doodaan oo aheyd mid kulul ayaa sidoo kale ka soo qeybgaleyaashii oo ay ku jireen Prof. Abdi Kusow, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Sadiq Warfaa, wasiir ku xigeenka caafimaadka mudane Maxamed Siciid C/llaahi, agaasimihii hore ee madaxtooyada Koofur Galbeed Cali Shaameey iyo aqoonyahanno kale waxaa la isku dhaafsay su'aalo iyo talooyin muhiim u ahaa mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

Siyaad Siciid Saalax, Hiiraaan Online
Minneapolis, Minnesota












Click here
11/6/2019 3:24 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

11/6/2019 12:17 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar Bam loo adeegsaday oo gurigiisa lagu qaaday lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Shabeellaha Hoose

11/6/2019 9:34 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Rugta Ganacsiga ee Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday guddida taakuleynta Baladweyne oo qaadhaan loogu ururinayo dadka dhibaatada ka soo gaadhay biyaha Webiga ku fatahay dadweynaha reer Baladweyne oo gurmad degdeg ah u baahan.

11/6/2019 7:03 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqoto golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka

11/6/2019 3:27 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay fatahaaddo iyo daadad hor leh oo mar kale ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

11/6/2019 1:01 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland ayaa la horgeeyay warbixin la xiriirta daniyadii ka dhacay deegaannada uu maamulka ka arimiyo lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo eedeymo loo jeediyay ciidamada Amaanka.

11/6/2019 12:26 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/6/2019 12:07 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah uga soconayay guud ahaan dalka gurmadka gurmadka loo sameynayo dadka ay ku dhufteen fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo ay ugu dareyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Boqolkiiba Sagaashan biyuhu qaadeen.

11/6/2019 12:02 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil kaddib bixisho shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya.