3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Macharia Kamau'' Waftigii Kenya ee ka qeybgalay caleemo saarkii Axmed Madoobe ogolaasho ayeey ka heysteen dowladda Soomaaliya

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in wafdigii bishii hore ka qeybgalay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ku tageen Kismaayo ogolaashaha Dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay dowladda Kenya in ay si cad ugu soo xadgudubtay hawadeeda kaddib go'aankii ahaa in diyaaradaha ka imanaya Nairobi soo maraan Muqdisho inta aysan u gudbin gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Laakiin warkan ku saabsan in dowladda Soomaaliya ogolaasho siisay wafdigii uu horkacayay Aadan Barre Ducaale ee Kismaayo uga qeybgalay caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa ah mid ku cusub guud ahaan warbaahinta.

''Wax xadgudub ah ma jirin Kenyaankii tagay caleemo saarka madaxweynihii lagu soo doortay sida xorta iyo xaalasha aheyd ee Axmed Madoobe wey ogeyd dowladda Soomaaliya'' ayuu yiri xoghayaha joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

 

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray in Kenya laga lahaa diyaaradii ugu horreysay ee ka degtay Kismaayo oo ay la socdeen wafdigii ay ka midka ahaayeen Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed,  waxaana uu sheegay diyaaradaasi aheyd mid yar oo laga lahaa Soomaaliya.

Macharia Kamau ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uusan hadda waxba ka qaldaneyn, balse ay jeclaan lahaayeen dhankooda in arinta badda lagu xaliyo wadahadal.

Wafdigii tagay Kismaayo ee ka socday dowladda Kenya waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaana ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 

 

 













Click here
11/4/2019 10:42 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa u magacaabay xoghayaha koowaada Ergada Soomaaliya ee Qarramada Midoobey wiil uu dhalay Duqii hore ee gobolka Banaadir Alle ha u naxariisteen Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow

11/4/2019 4:21 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaaliya ayaa ciidamo kale oo ka tirsan Booliiska sida gaar ah u tababaran ee Harimocad ka dajisay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

11/4/2019 3:50 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Abiy Ahmed oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.

11/4/2019 12:51 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)- Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka degmada Buula-burte ayaa si adag uga hor yimid guddoomiye cusub oo Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu u magacaabay degmada.

11/4/2019 12:31 AM EST
Isniin, November, 04,2019 (HOL)- Kooxda xiriirka la leh ISIS ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay la shaqweynayaan hoggaamiyaha cusub ee lagu dhawaaqay ee Quraishi kaddib dhimashadii Abuubakar Al-Baqdaadi oo ay dileen Mareykanka

11/4/2019 12:19 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ugu baaqay Ummaddaha Islaamka in ay ka qayb qaataan u gargaaridda Shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxa uuna sheegay in ay tahay masuuliyad saaran dhammaan dalalka Caalamka oo idil.

11/4/2019 12:07 AM EST
Isniin, November, 04, 2019 (HOL)- Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay.