4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2019
Dowladda oo dib u dhigtay Muxaadarro uu maanta Muqdisho ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal

 

Jimco, November, 22, 2019 (HOL)- Iyadoo Galabta lagu waday in Garoonka Eng Yariisoow [Ex Koonis] lagu qabto muxaadarro Shacabka reer Muqdisho uu jeedin lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib loo dhigay qabashada muxaadarradaas ilaa maalinta Axadda ah.

Muxaadarrada Sheekh ayaa la sheegay in ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo, laakiin haddana dhinaca kale marka la eego saacadihii ugu danbeeyayba waxaa soo ifbaxayay kala qeybsanaan weyn oo salka ku heysa Muxadaarrada Sheekh oo Culimada qaarkood ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Culimadii sida weyn u taageertay afgaarta xagjirka oo ilaa iyo hadda ay aaminsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa ku sheegay  Sheekh Umal  shaqsi faafiya afgaarta xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku  tilmaamay mid aan sax ahayn ah.   

Dowladda Federaalka ayaa Guddi u xilsaartay qaban qaabada iyo qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabanayo Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]