4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2019
Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

 

Jimco, November, 22, 2019 (HOL)-Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaartay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Gargaarka ka yimid dowladda Talyaaniga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yimadaan Yurub oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay ku dhufatay Fatahaadda gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay  deeqdaan ka timid dowladda Talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la  gaarsiin doono dadka ay saameeyeen Fatahaaddaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]