4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2019
James Swan'' Doorasho ka dhacda Soomaaliya waxaa caqabad ku ah khilaafka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada

 

Jimco, November,22, 2019 (HOL)- Wakiilka Gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah uu caqabad ku noqon karo doorasho la qorsheynayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay si loo gaaro doorasho '' Qof iyo Cod ah'' in ay khasab ku tahay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah in ay deg deg u soo afjaraan khilaafka dhaxdooda ah.

“Horumar laga sameeyo Ajendaha iyo himilada  doorasho ee  2020 wuxuu u baahnaan doonaa isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa  wadahadal iyo isu tanaasul u dhexeeya Dowladda Dhexe  iyo Dowladaha  xubnaha ka ah federaalka”ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qarramada Midoobey ayaa sheegay in muddo Hal Sano ah uu jiroo khilaaf ka dhex taagan  dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, Jubbaland iyo  Puntland.

“Kadib in kabadan hal sano oo aan laheyn iskaashi wax ku ool ah oo  u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka,  xaaladdani waxay caqabad ku noqotey hagaajinta iyo gaarista waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Hoggaamiyaasha Soomaaliya waa inay si deg deg  ah wax uga qabtaan si loo kala lasoo afjaro ismari waaga udhaxeeya  dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda”ayuu hadalkiisa kusii daray  James Swan.

Laakiin dhinaca kale marka la eego James Swan ayaa imaanay hormarrada kale oo dowladdu ku talaabsatay, sida dhinacyada, Amaanka, Kobaca Dhaqaalaha iyadoo meel wanaagsan uu marayo qorshaha Deynta Cafinta Soomaaliya oo ay dowladda ka wada shaqeynayaan hadda hay'addo caalami ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]