4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2019
China oo beesha caalamka ugu baaqday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Soomaaliya

 

Jimco, November, 22, 2019 (HOL)-Ku-xigeenka Ergeyga China ee Golaha Amaanka Qarramada Midoobey Wu Haitao ayaa Khamiistii ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhaw ula sheeqaan Soomaaliya si loo xoojiyo hormarada kala duwan oo ay dowladdu ku talaabsaneyso.

Ku-xigeenka Ergeyga China ee Golaha Amaanka Qarramada Midoobey Wu Haitao ayaa Khamiistii ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhaw ula sheeqaan Soomaaliya si loo xoojiyo hormarada kala duwan oo ay dowladdu ku talaabsaneyso.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay shirka Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ee looga hadlayay xaalada Soomaaliya ayuu Mr Wu Haitao ugu baaqay caalamka in ay si dhaw ula socdaan xaaladaha ka jira gudaha Soomaaliya si diirada loo saaro kaalinta bulshada caalamka ee ah in Soomaaliya laga caawiyo hagaajinta awoodda dowladnimo iyo adkeyta nabad-galyada.

‘’Golaha Amaanka iyo beesha caalamka intaba waa in ay u hoggaasamaan lahaashaha Soomaaliya, tasoo macnaheedu yahay in lagu xaqdhowro hoggaanka hoggaanka Soomaalida go’aamadooda u gaarka ah, waa in kaliya laga caawiyaa talooyinka la xiriira geedi socodka siyaasadeed, xoojinta nidaamka Federaaliisamka iyo waliba xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ayuu yiri’’ Wu Haitao.

AMISOM mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegay in tan iyo markii ay gudaha u galeen Soomaaliya ay door muuqata ka qaateen xoojinta nabad-galyada iyo waliba dagaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida [Al-shabaab ] oo kale.

Shirka Golaha Amaanka ee Khamiistii dhacay ayaa siweyn looga wada hadlay xaalada Soomaaliya, iyadoo dhinacyda ka qeybgalay dhiibteen aragtiyo kala duwan oo la xiriira xaalada waqtiga ee Soomaaliya sida lagu wajahayo kaalinta bulshada caalamka xoojinta hormarada dowladdu ku talaabsaneyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]