4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2019
AMISOM oo ka hadashay dilkii Almaas Emal ee ka dhacay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

 

Jimco,November, 22, 2019 (HOL)-Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa war ka soo saaray dilkii galabnimadii Arbacada toddobaadkan gudaha xerada Xalane loogu geystay Almaas Elman oo aheyd Gabar u dhaqdhaqaaqda Nabada iyo Diblomaasi hore.

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in xili Almaas ay ka soo baxday shir ka dhacay xarunta Xalane ay haleeshay xabad ugu gashay gaari ay la soctay, balse labo qof kale oo la saarnaa waxba soo gaarin.

“AMISOM waxaa ay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah  ee Soomaaliya iyo ciidamada Amniga Soomaaliya si gacan buuxda looga wada geysto baarista sida uu dilka u dhacay'' ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM.

Hoos ka akhriso Qoraalka AMISOM ka soo baxay :- 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]