4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Askari toogasho ku dilay isku-duwihii maaliyada maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Afgooye

 

Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay isku-duwihii maaliyada degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur iyo Askariga toogashada geystay ayaa la sheegay in uu soo dhax galay khilaaf la xiriira maaliyada iyo canshuurta laga qaado degmada.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askariga toogashada geystay oo isku dayay in uu baxsado.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in saakay ay ka wadaan degmada baaritaanno la xiriira dilka mas’uulkan ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]