3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
xisbiga WADDANI oo ugu baaqay taageerayaashiisa inay u diyaar garoobaan halgan adag oo dalka lagaga badbadinayo madaxweyne Biixi

 

Arbaco, November 13,  2019  (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan  Maxamed C/laahi Cirro ayaa si kulul uga hadlay muranka ka taagan xubnaha guddida cusub ee doorashooyinka oo laba xubnood la isku mari laayahay.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in aanay marna ka ogolaan doonin in qaranka la burburiyo, haseyeeshee ay diyaar u yihiin inay badbaadiyaan, waxaanu taageeraashiisa ugu baaqay inay diyaar u noqdaan hawlgal adag oo dalka lagaga badbadinayo madaxweyne Biixi.

“Waxa aan mar labaad umadda u xaqiijineynaa in xisbiga WADDANI si aan ka noqosho lahayn u qaadacay la shaqeynta iyo kamid ahaanshaaha xubnaha la sheegtay in la ansixiyey, Xisbiguna diyaar uma aha in uu xalaaleeyo ama jideeyo wax aan sharciga dalka waaqafsaneyn ama arrintan ha ahaato ama mid kale ha ahaatee.”ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Khudbad dheer oo uu mar dhowayd usoo jeediyey taageerayashiisa waxa uu ku yidhi “ Walaalayaal; Baadisoocda hoggaaminta Muuse labadii sanno ee uu xilka hayey, waxa ay noqotay:

1. Kala qeybinta iyo kala irdheynta shacabka Somaliland halkii uu ka mideyn lahaa,

2. Ku xadgudubka iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka dalka, isaga oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalintooda laguna dhaariyey, waxaa tusaale cad ah oo aad maanta wada ogtihiin in aanay wax sharci ah ku fadhiyin golayaasha deegaanka iyaga oo muddo xileedkoodii dhammaaday, muddo kordhina aan wali loo samaynin.

3. Faro-gelinta nidaamka ganacsiga xorta ah ee uu jideeyey dastuurka dalku.

4. Xakameyn la’aanta sicir bararka xadhkaha goostay ee ragaadiyey noloshada dhammaan shacabka reer Som aliland.

5. Hoos u dhaca weyn iyo dabaca ku yimid amniga gudaha, taas oo sababtay in ay ka dillaacaan markii ugu horeysay jabhado hubeysan dalka gudihiisa. Xisbigu herena wuu camnbaareeyey haddana wuuu cambeereynayaa samaynta Jabhadaha.

6. U adeegsiga awoodda qaranka dano shakhsi ah oo uu dhul boob iyo ganacsi ugu horreeyo.

7. Caadeysiga ku tumashada xuquuqal insaanka, cabudhinta xorriyadda saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga joogtada ah ee madaxda axsaabta iyo muwaadiniinta kala duwan.

8. Baahsanaanta maamul xumada iyo musuqmaasuqa maamulkiisa ka jira.

9. In ay luntay kalsoonidii beesha caalamka ee dalkani ka sugayey ictiraafka.

10. Meyd maxaa u dambeeyey? Iyo kaa la sii sido, waxa ayaynu shalay u soo taagneyn dhammaanteen in hannaankii dimuqraadiyadda iyo rejadii doorashada hadhcad lagu gowracay horteena iyo sida ay saylad uga dhigteen golihii wakiilada.

 Dhacdooyinkaas oo dhammi iyo qaar kale oo badan, waxa ay tilmaan xun u yihiin hogaaminta Muuse Biixi ee saluugga, salfudeydka iyo canaadka aan qiimaha ku fadhiyin isugu soo biyo shubatay isla markaana marag cad u yihiin tala xumada hoggaanka maanta jira, haddii aynu sidaa ku sii soconana waxaa hubaal ah in jiritaankeena qarranimo meel fog laga dayi doono Ilaahay kama dhigee.

 Walaalayaal; haddii aan u soo noqdo ceebtii iyo foolxumadii shalay dhacday ee ahayd inqilaabkii golaha iyo afduubkii sharci ee la sheegtay in lagu ansixiyey xubnihii xeerku xaaraantinimeeyey ka mid noqoshada Komishinka Doorashooyinka Qaranka.

Xisbiga WADANI waxa uu soo jeediyey sidan “ waxa aan u mahadnaqayaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI guddo iyo dibadba waxaanan farayaa in ay u diyaar garoobaan halgan adag iyo howl culus oo dalka lagaga badbaadinayo Maamul xumada Muuse Biixi.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 

 













Click here
11/13/2019 12:39 PM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la'dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah.

11/13/2019 9:40 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Jigjiga soo gaaray Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

11/13/2019 9:10 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Deeq noocyo kala duwan oo hu' maacuun, Cunto iyo Lacag isugu jirta ayaa maanta ka amaba baxday magaalada Laascaanood taas oo ku sii jeeda magaalada Baladeweyne.

11/13/2019 7:48 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayay rabshado ka bilowdeen aagga Konel, Magaala, rabshadahan ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Oromo iyo Axmaaro ah.

11/13/2019 7:41 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada amniga Puntland iyo maleyshiyaad ka amar qaata Ciise Maxamuud Yuusuf "Yulux"oo horey u ahaan jiray horjooge katirsanaa kooxihii burcad badeeda Soomaalida.

11/13/2019 3:07 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiyihii deegaanka Cadeyga iyo ku-xigeenkiisa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe

11/13/2019 2:14 AM EST
Arbaco, November,13, 2019 (HOL)- Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar.

11/13/2019 1:03 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

11/13/2019 12:42 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed.

11/13/2019 12:37 AM EST
Arbaco, November,13, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

11/13/2019 12:11 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Maanta oo Arbaco ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen saddex musharax.