4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Mareykanka oo War ka soo saaray duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe

 

Arbaco, November,13, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Warka ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya maalintii shalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka  tirsan gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana ay la beegsadeen Xubno ka  tirsan  Al-Shabaab.

Weerarka ayaa Mareykanka waxa uu ku sheegay in ay ku dileen  Xubin ka tirsanaa Ururka Al-shabaab , islamarkaana weerarkaas aysan waxyeelo kazoo gaarain dad  rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ee amnesty international Warbixin ay dhawaan soo saartay ay ku eedeeyay Mareykanka in duqeynta uu Soomaaliya ka wado ay ku dhintaan dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]