4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Diiwaangalinta musharixiinta xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo maanta la soo xirayo

 

Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Maanta oo Arbaco ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen saddex musharax.

Guddiga ayaa ilaa iyo hadda u diiwaan-galiyay qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland musharixiinta kala ah Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa xilka ka qaaday 7dii bishan Khamiistii aynu soo dhaafnay guddoomiyihii Golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo laakiin sheegay in uu isagu wali yahay guddoomiyaha sharciga ah ee Golaha.

Maalinta berito oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo  loolan adag loogu jiro helida xilkaas, islamarkaana siweyn looga  dareemayo Magaalada Garoowe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]