4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Guddiga doorashada guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo berrito soo xiraya diiwaan galinta murashixiinta

Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Guddiga doorashada guddoomiyaha barlamaanka maamul goboleedka Puntland, ayaa maalinta berrito ah soo gabagabayn doona diiwaan galinta murashixiinta u taagan xilka guddoomiyaha barlamaanka.

7-dii bishaan november ayay ahayd markii mooshin ay saxiixeen 49 mudane xilkii looga tuuray guddoomiyihii golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed)

Sida uu HOL u sheegay mid kamid ah xubnaha guddiga, maalinta berrito oo arbaco ah ayaa lagu dhawaaqidoonaa murashixiinta tartamaya islamarkaana buuxiyay shuruudaha habraaca doorashada.

Illaa iyo hadda, waxaa xilkaas u sharaxan oo HOL ay xogtooda heshay, Cali Axmed Saalax Dhahar, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo labaduba isdiiwaan galiyay iyo CabdiJamaal Cismaan Maxamed oo isna lagu wado inuu kusoo biiro maanta illaa iyo berrito.

Saddexda nusharax ee xilka guddoomiyaha ku loolamidoona ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sanaag, waxayna isku hayb yihiin guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, mudane Dhoobo, kaasoo weli aaminsan in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah.

Doorashada guddoomiyaha ayaa dhicidoonta maalinta khamiista ee ku beegan 14-ka bishaan, sida ku qoran jadwalka habraaca doorashada.

Dhinaca kale, magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa laga dareemayaa loolanka siyaasadeed ee ku saabsan cida ku guulaysan doonta kursiga guddoonka barlamaanka.

Hiiraan online