4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Oslo: Shirweynaha looga hadlayo Tacadiyada Jinsiga


Jimco, May, 24, 2019 (HOL)-   Shir weyne looga hadlayo Tacadiyada Jinsiga oo ay si wada-jir ah usoo qabanqaabiyeen Norway, Soomaaliya, Ciraaq, Imaaraadka Carabta  iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu qabtay magaalada xarunta ah ee Oslo.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqa Yaasin oo hoggaaminaysa wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeybgalaya ayaa muddada uu shirka socday khudbad ka jeedisay,iyadoo caalamka ka dalbatay in Soomaaliya gacan laga siiyo dadaallada hoos u dhigidda Tacaddiyada Galmada iyo Jinsiga, waxaa kalo ay ku soo bandhigtay Axdi Qarameedka Haweenka “Soomaaliya ma aqbali doonto tacadiyada Jinsiga”.

Shirkan waxaa uu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad xaasaasi ah, iyada oo Golaha wasiirradu ay meelmariyeen Sharcigii dambiyada Jinsiga (SOB) loona gudbiyay Golaha Shacabka taas oo keenaysa in la helo sharcigii ugu horreeyay ee loogaga hortago Tacaddiyada Galmada iyo Jinsiga.

"Meelmarinta sharcigan ee Golaha Wasiirrada dalkayga waxaa ay muujinaysaa sida dawladda Soomaaliya ay uga go’antahay in ay caddaalad siiso dadka dhibbanayaasha ah ee ka soo badbaaday Tacaddiyada Galmada iyo Jinsiga." ayay tiri Marwo Deeqa Yaasiin oo inta ku dartay "Waxaan ka dalbanaynaa dhammaanba inta ay khusayso in ay garab istaagaan Soomaaliya dadaalkeeda ay ku doonayso hoos u dhigidda Tacaddiyada Galmada iyo Jinsiga, taas oo ay kamid tahay samaynta iyo dhaqangalinta Sharciyada muhiimka ah."

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Norway iyo Ciraaq ayaa shirka ka sheegay in la joogo waqti loo baahanyahay caalamka inuu si wadajir ah ula dagaallo Tacadiyada Jinsiga ,iyadoo dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta uu shirka ka sheegay "Imaaraadku waxaa ay sii wadi doonaan in aan si baahinno dhowrista haweenka iyo gabdhaha ee dhammaan dadaalladeenna bini’aadamnimo ee caalamka."

Warmurtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu xaqiijiyay hal kamid ah saddexdii haween ah ee adduunka ku nool inay la kulmaan Tacaddi galmo ama dhanka Jinsiga ah inta ay nooshahay. "Wiilasha iyo raga xataa arrintani waa mid saameyn ku yeelata. Waxaa khatartu ay sii baahdaa marka ay jirto xaalad bini’aadamnimo oo uu sababay dagaal hubaysan ama masiibo dabiici ah. " ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Ka soo qeybgalayaasha shirweynaha Oslo ayaa ku ammaanay dawladda Soomaaliya tallaabooyinka ay u qaaday dhanka la-dagaallanka Tacadiyada Jinsiga iyo samaynta sharciga dambiyada Jinsiga ee baarlamaanka hor yaalla iyo sidoo kale Axdiga Haweenka ee ku baaqaya inaan haba yaraatee wax dulqaad ah loo yeelan tacaddiyada Jinsiga.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]