4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo is casishay

Jimco, May, 24, 2019 (HOL)-  Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaadday inay xilka iska casishay, kaliya ma ahane inay xilka baneyso waxaa kalo ay iska casilaysa hoggaaminta xisbiga.

May oo ku dhibtootey inay Britain u horseedo ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa hadda qiratay in la joogo xilligii uu ra'iisul wasaare cusub hoggaamin lahaa Ingiriiska.

"Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in Ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan.. Sidaas darteed waxaan maanta ku dhowaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da bisha June". May ayaa sida sheegtay iyadoo inta ku dartay in xilka ra'iisul wasaaraha ay sii heyn doonto inta uu xisbiga ka keensan doono qofka iyada beddeli lahaa.

Hadal jeedin qiiro leh oo ka samaysay xafiiskeeda Downing Street hortiisa ayay ku sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay humanti uga dhigi lahayd in la fuliyo go'aankii ka bixitaanka Midoowga Yurub ee lagu gaaray aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore.

"Waan dadaaley intii karaankayga ah.. waxaanse abid ka shallaayi doonaa inaanan hirgelin siyaasaddii Brexit." ayay tiri waxayna intaas raacisay "Waxaan ahaa Ra'iisul wasaarihii labaad oo dumar ah, balse ma noqon doono tii ugu dambeysay."

Go'aanka ay isku casishay waxaa ku tilmaamay wax wanagsan hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn.

Theresa May ayaa xilka ra'iisul wasaaraha Britain qabatey sannadkii 2016kii  kaddib markii uu is casilay David Cameron, waaana haweenaydii labaad ee Ingiriiska ra’iisal wasaare ka noqota.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]