4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
QM: Waa muhiim in dib loo billaabo wada-hadalladii DFS iyo Soomaaliland

Jimco, May, 24, 2019 (HOL)-  Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii dib loogu billaabi lahaa wada-hadallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Wada-hadallada ayaa muddo ka badan labo sanno hakad ku jirey, waxaana guul darreystay iskudayo dhowr mar lagu raadinayay in mar kale dib loo billaabo.

Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada iyo iyadoon natiijo laga gaarin wada-hadalladi hore ayaa la sheegay inay saameyn ku yeesheen dib u eegistii lagu sameyn lahaa dhameystirka dastuurka,sida uu sheegay ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.

Wuxuu xaqiijiyay , Mr Zenenga inay Qaramada Midoobay dadaal ku bixinayso sidii mar kale wada-hadallada ay u billaaban lahaayeen,isagoo marka warbixin siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Zenenga, ayaa sidoo kale boggaadiyay hadalkii madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi uu ka yiri xuska 18-ka May ee ahaa inay ka go'aantahay in Puntland ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, waxaana kamid ah sii deynta maxaabiista iyo in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga, gancsiga iyo waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]