3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Dad kale oo loo xir xiray falkii is qarxinta ahaa ee lagu fashiliyay degmada Guri-ceel

 

Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada maamulka degmada, kaddib weerarkii is qarxinta ee fashilmay ee la doonayay in maalintii shalay laga fuliyo munaasabad ay lahaayeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Qof soo xirtay Jaakada loo adeegsado is qarxinta ayaa gudaha u soo galay goobta ay munaasabada ka soctay, isaga oo gaar ahaan isku soo beegay halkii ay fadhiyeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna, balse uma suurtagalin in uu is qarxiyo kaddib markii sida la sheegay ay ka xumaatay farsamadii is qarxinta, iyadoo intaa kaddibna ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ahlu Sunna.

Wararkii ugu danbeeyay ka imanaya degmada ayaa sheegaya in ilaa shan ruux kale loo soo xir xiray arintan kuwaa oo la tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka qofkan doonayay in uu is qarxiyo.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa degmada ka wada howlgal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan nabad-galyada, iyaga oo meelaha qaar baaritaanno ku sameynaya gaadiid iyo dadka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
5/24/2019 5:18 PM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Shir weyne looga hadlayo Tacadiyada Jinsiga oo ay si wada-jir ah usoo qabanqaabiyeen Norway, Soomaaliya, Ciraaq, Imaaraadka Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu qabtay magaalada xarunta ah ee Oslo.

5/24/2019 5:01 PM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyooday sarkaal boolis ahna wuu dhaawacmay, kaddib markii booliska iyo koox burcad ah uu isku horimaad ku dhexmaray rugta khudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan.

5/24/2019 12:06 PM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL) - Masaajidka Bilaal ee Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad lagu soo gababaynayay Kutub kala duwanayd oo akhrintoodu muddo 15 bari ah ka socotay masaajidkan. waxaana kutubtaas iyo Tababaro kala duwanba mudadaas bixinayay Macallimiin Degaanka u dhashay oo ka yimid Jaamacadda Madiina Al-Munawarah ee dalka Sacuudiga.

5/24/2019 7:32 AM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

5/24/2019 7:01 AM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalintii shalay ee waxa uu xaflad af-fursiin ah u sameeyay Safiirrada Waddamada Islaamka, kuwa saaxiibada ah iyo Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo saraakiisha sare sare ee Wasaaradda.

5/24/2019 6:47 AM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaadday inay xilka iska casishay, kaliya ma ahane inay xilka baneyso waxaa kalo ay iska casilaysa hoggaaminta xisbiga.

5/24/2019 4:54 AM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii dib loogu billaabi lahaa wada-hadallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.

5/24/2019 1:59 AM EST
Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab, waxaana dhaqdhaqaaqyada ciidan ee halkaa ka soconaya horkacaya madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.