4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Kulan labo geesood ah oo Gaalkacyo uga furmay madaxweynaha Puntland iyo dhiggiisa Galmudug


Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo ku qaabilay madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulan ay labada hoggaamiye ku qaateen xarunta madaxtooyadda waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo ka socday Puntland iyo Galmudug.

Marka uu kulanka soo dhammaaday ayaa kulan gaar ah wuxuu billowday Deni iyo Xaaf,iyadoo la sheegay marka uu kulanka soo dhammaado in laga soo saari doonaa warsaxaafadeed, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Kulanka ayaa noqonaya midkii ugu horreyay oo magaalada Gaalkacyo ay ku yeeshaan madaxweynaha Puntland iyo dhiggiisa Galmudug, wuxuu ku soo aadday xilli iska horimaad uu shalay ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa labada hoggaamiye inay kulankooda diirrada ku saaran nabadda iyo xasilloonida gobolka Mudug oo labada dhinac ay ka taliyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]