4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Deeq lacageed oo la gaarsiiyay Dugsi ay wax ku bartaan Dadka Maqalka La' magaalada Muqdisho


Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Dugsigan oo shaqeynayay mudo Labo Sano ah kuna yaala degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa la gaarsiiyay Deeq Lacageed oo isugu jirta, hal Sano oo Kirada Dugsiga ah, qeyb ka mid ah mishaarka, lacag ay u isticmaali doonaan Shidaalka Gaadiidka u shaqeeya Dugsiga ee Ardeyda qaada.

Maamalaha hay'adda Hormuud Telcome Foundation Cabdullaahi Nour Cismaan oo deeqdan gaarsiiyay  Dugsiga ayaa sheegay in qeyb ka tahay taageerada ay ku caawinayaan goobaha waxbarashada ee u baahan in la caawiyio.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya hay’adda Horumarinta waxbarashadda Dadka maqalka la’ iyaddoo la soo bandhigay baahiyaha ay qabaan Maamulada Iyo Macalimiinta Dugsigaasi wax ka dhigta.

Cabdifitaax Mubaarik Maxamed oo ah Maamulaha Iskuulkan ayaa Madaxda Hay adda Hormuud Foundation uga mahad celiyayy Deeqda Dhaqaale ee la gaarsiiyay Dugsiga, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tari karto baahida Macslimiinta Iyo Dugsigaba.

Talaabadan Qeybinta Deeqdan dhaqaale ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Hay’adda Hormuud Telcome Foundation maalmihii ugu dambeeyay waday tageero dhaqaale loogu muujinayod dadka dhibaateysan ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]