4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta dood ka yeelanaya ajandayaal muhiim ah oo horyaala Golaha

 

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL) – Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha kullanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah  horgaynta wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, oo mari doono Akhrinta koowaad.

Golaha Shacabka ayaa 20kii bishan oo ku beegneyd Isniintii aynu soo dhaafnay waxaa ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka oo aad looga dooday kullamdii ugu dambeeyay wallow inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka soo horjeedaan.

Lama oga in xildhibaannadu maanta kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee Kenya kaa muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]