4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii lagu beegsaday labo goobood oo shidaal ee dalka Sacuudiga

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -   Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo  lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa inta ku daray "Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda."

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]