Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.
Waxaa uu sheegay in Aaska Wasiirka ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Qaranka, islamarkaana ay dhici weyday in maanta la keeno.
Guddiga loo xil saaray ayaa xalay yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed waxaana ka mid
ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo
Arrimaha dibadda.
Warar saacadihii hore ee maanta soo baxay ayaa sheegayay in maanta magaalada Muqdisho la keeni doono meydka Wasiirka laakiin war goor dhaw ka soo baxay wasaarradda ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah dalka la keeni doono meydka Wasiir Xoosh oo aas Qaran loo sameynayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]