4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Puntland oo dowladda federaalka ka dalbatay inay ku soo wareejiso qoondadii ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sannadkan

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay ku soo wareejiso qoondada Puntland ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sannadkan soo gudaneysa Waajibaadka Xajka.

Wasiirka Cawil Sheekh , wuxuu inta ku daray in 11,500 oo qof ay sannadkan Soomaaliya ka xajinayaan.

"Malihin waxaanan laheyn hanala siiyo, waxa Puntland xaqa ay u leedahay ayaan uga fadhinaa, saamiga ay leedahay Puntland dadka isku dayaya inay carqaladeeyaan waxaanu leenahay ishana idinku heynaa, waan idinla soconaa, annagu waxaan rabnaa inaan maamullano oo shirkaddo aysan dib dambe nooga maamulin".  ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ,Cawil Sheekh Xaamud.

Wuxuu inta raaciyay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay oo ku aadan Xajka sannadkan, isagoo sheegay inay ku aadeyso bisha siddeedaad ee sannadkan 2019ka.

Hadalka ka soo baxay Puntland wuxuu ku soo aaddaya iyadoo sannadkan uu Sacuudiga kordhiyay tirada Xujeyda Soomaalida ee xajineysa, waxaa la gaarsiiyay 11,500 oo qof, halka ay hore ka aheyd 9,500, waxaana kororka uu yimid kaddib markii sanadkii hore uu muran ka dhashay arrimaha Xajka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]