Xeer ilaaliyaha Qaranka : Waxaa xiran Nin 40 sano jir ah oo kufsaday Gabar Shan sano jirta
Khamiis, Maarso 07,
2019 (HOL)- Iyadoo maalmihii ugu
danbeeyay warbaahinta Soomaalidu siweyn u hadal hayeen dhacdooyin Kufsiga oo ku
soo badanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, ayuu sheegay xeer
ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir in gacanta dowladda uu ku jiro Nin 40 sano jir
ah oo sida uu hadalka u dhigay Kufsaday
gabar shan sano jirta.
Xeer ilaaliyaha ayaa soo hadal qaaday kiisaska la
xiriira kufsiga oo todobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacayeen deegaanno ka
tirsan gobolada dalka, isaga oo sheegay
in sababta kiisaska soo celcelineysa tahay in aysan cadaalad dhab ah helin kuwa gabood falada u geysta gabdhaha.
Wuxuu sheegay in arin lala yaabo tahay in
haddana aad arkeyso walidiinta labada dhinac oo inta cadaallada hor yimaadaan kuu
sheegaya in laga heshiiyay kiiska, sidaa daraadeed la sii daayo danbiilaha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa kiiska marka
leysku dayo in dacwada la qaado ay arinka soo fara-galinayaan xildhibaanno, Senatarro,
odayaal dhaqameed iyo walidiintii labada dhinac oo rab in si hoose arinka lagu
dhameeyo.
Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Gaalkacyo
Kufsi iyo dil leysugu daray gabar 12 sano jir ah oo lagu magacaabo Caa’isho
Ilyaas Aadan, waxaana hadda soconaya baaritaan lagu hayo dad loo maleynayo in
ay falkani geysteen.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]