Dowladda Burundi oo walac ka muujineysa in qeyb ka mid ah ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya
Khamiis, Maarso 07,
2019 (HOL)- Dowladda Burundi ayaa u muuqata in wali aysan ogolaan go’aanka
Ururka Midowga Africa ee qeyb ciidamadooda ka mid ah looga saarayo dalka
Soomaaliya.
Burundi oo ciidamada
ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya marka laga soo tago Uganda ayaa ku weysay
tiro badan oo ciidamadeeeda ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si la mid ah
ciidamada dalalka kale ee ka socda midowga Africa oo tiradooda lagu sheegay 21,500
oo Askari.
Madaxeweyne Nkurunziza
ayaa sheegay in arintanni tahay khatar dhinaca Amniga ah, sidoo kale waxaa
iyana ka soo horjeesatay arrintan Baarlamaanka dalka Burundi oo sheegay in wax
la aqbali karo aheyn in ciidamadooda oo kaliya laga soo saaro dalka Soomaaliya,
iyadoo ay sii joogaa wali kuwa kale ee ka socda qaarradda.
Dowladda Burundi
ayaa soo jeedisay in hoos dhigida tirada ciidamada midowga Africa AMISOM lala
wadaajiyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa dhawan booqasho ku tagay dalka Burundi,waxaana uu kulan la qaatay
Madaxweynaha dalkaas,iyada oo labada madaxweyne ay ku baaqeen kulan degdeg ah
oo looga hadlayo go’aanka ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]