Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Ruushka,
Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay mukhaabaraadka ajnabiga ah in ay sare u qaadeen
hawlahooda ay ka fuliyaan Ruushka, waxaana uu shaaciyay in boqolaal basaas ay
ka hortageen sanadkii la soo dhaafay oo keliya.
Isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin ayaa waxa
uu sheegay in hawlaha 594 oo basaasiinta ajnabiga ah lagu fashiliyay Ruushka.
Jawaasiista Ruushka ayaa qudhooda lagu eedeeyay
hawlgallo dhawr ah oo uu ka mid yahay kii lagu sameeyay basaaskii Ruushka u
shaqeyn jiray ee Sergei Skripal.
Dalalka Holland, Czech iyo Sweden ayaa
dhammaantood sheegay inay ka hortageen weerarro ay fulin lahaayeen sirdoonka
Ruushka.
Ruushka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo doorashooyinka
wadamada Galbeedka.
Isagoo aan magacaabin Ruushka, ayaa madaxa golaha Yurub, Donald Tusk, waxa
uu Talaadadii sheegay in "xooggaga diiddan Yurub" ay doonayaan inay
faragelin ku sameeyaan doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ee dhacaysa bisha
May.
Putin oo khudbad u jeediyay saraakiisha laanta nabadsugidda Ruushka ee FSB
ayaa ku booriyay inay ka adkaadaan shaqadooda gaar ahaan ilaalinta xogta
samaynta hubka dalkaasi.
"Waxaan aragnaa hay'adaha sirdoonka shisheeye oo kordhinaya
hawlgalladooda Ruushka, iyagoo doonaya inay qaab kasta ku helaan xogta
siyaasadda, dhaqaalaha, seyniska iyo tiknoolajiyadda dalkan," ayuu yiri
Putin.
Ka dib markii ay Midowga Yurub iyo UK isla garteen inay u badan tahay in
Ruushka uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Skripal, ayaa in ka badan 25 dal
waxa ay eryeen diblomaasiyiinta Ruushka ah ee caasimadahooda ku sugnaa.
Bishii la soo dhaafay, madaxweyne Putin ayaa sheegay in Ruushka uu samaysan
doono nooc cusub oo ah gantaallada ridada dhexe kuwaasoo lagu beegsan karo
caasimadaha galbeedka, waa haddii wadamadaasi ay gantaallo dhigaan Yurub.
Xigasho BBC