4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2019
Muqdisho : Dad ku sumoobay Boorash ay cabeen

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)- Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ku dhawaad 35 ruux oo sida la sheegay ku sumoobay boorash ay ka cabeen goob lagu quudiyo dadka da’yarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka oo dadkan ku booqday isbitaalka lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad ayaa sheegtay in dadkan sumoobay isugu jiraan haween iyo carruur.

Qaarkood dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa la tacaalaya halka qaar kalena ay ku sugan yihiin xaalad halis ah sida ay sheegtay Guddoomiye Basma.

Basma ayaa intaa ku dartay in maamulku amar ku siinayo Jikooyinka ka furan degmooyinka gobolka Banaadir in ay joojiyaan bixinta iyo qeybta boorashka ilaa laga ogaanayo lagana hubinayo tayadiisa iyo halka ay ka timid suntan.

‘’Hay’addo badan ayaa jira oo taakuleyn siiya Jikooyinka lagu quudiyo dadka danyarta ah, sidaa daraadeed baaritaan ayaa bilaabeynaa wixii ka soo baxana dib ayaan ka soo sheegi doonnaa’’ ayeey tiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Qoysas badan oo dan’yar ah una badan dadka barakacayaasha ayaa ku xiran Jikooyin maamulka gobolka Banaadir uu ka sameeyay degmooyinka ay magaaladu ka kooban tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]