4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Somaliland: Gurmadkii ugu horeeyey ee biyo Dhaamin ah oo Hargeysa ka anbo baxay


Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Xukuumadda ayaa gurmadkii ugu horeeyey oo biyo ah u dirtay goboladda bariga, kuwaas oo ay ku jiraan xaalad biyo la’aan ah.

Munaasibada lagu soo bandhigayey kaalmadii ugu horeysay ee gobolada abaartu haysay loo dirayey waxa ka soo qaybgallay madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, wasiirka Biyaha, wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, gudoomiyaha hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo kaydka raashinka iyo masuuliyiin kale.

Faysal Cali Sheekh Gudoomiyaha Hay’adda ka hor taga masiibooyinka iyo kaydka Raashinka ayaa sheegay in maanta ay baxeen boqol iyo konton booyadood, kuwaas oo loo kala direy sadexda gobol ee bariga, sida Koonfurta Sool, Bariga Sanaag iyo Togdheer, waxaanu sheegay in gurmadkaasi ay ugu deeqeen hay’adda.

“waxa maanta baxay 150 booyadood oo kontankii ugu horeyey gaadheen togdher, konton booyadood oo kalena gaadhi doonaan Badhan, halka konton booyadood oo kale ku sii socdaan koonfurta Sool, waxaana bixiyey Qadar Charity “ayuu yiri Faysal Cali Sheekh.

Sidoo kale, waxay xukuumaddu sheegtay in booyadan imika la dhaaminayo ay dawladdu leedahay, kuwaas oo qaarkood gobolada ka shaqaynayaan, waxaana hadda u kala baxayaan koonfurta Gobolka Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

“Gobolada aanay booyadahani tagin yeyna moodin in la qadiyey ee waxa loo kireen doonnaa booyadaha deegaamadoodda oo iyagu laba faa’iido ayey heli doonaan marna waa loo kireen doona marna booyada dawlada loogu dhaamin doonna”ayuu yidhi wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici , ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda bariga Somaliland, waxaanu sheegay in hay’adaha iyo dawladuba ka hawlgali doonaan biyo dhaamintaasi la gaadhsiin doono dadkaasi biyo yaraantu haysato.

“Hay’adihii abaaraha nagala shaqaynayey waa diyaar, waxaana u diyaar garoobnay in ceelashii fadhiyey u dayactirno, waxaana hay’adihii nidaamka biyaha inaga caawin jireyna waxaanu isla garanay in ceelasha fadhiya ay dayac tiraan si dadkaasi loogu gurmado”ayuu yidhi Saylici oo ka hadlayey gurmadka biyo yaraanta gobolada bariga haysata.

Goboladda bariga ayaa laga soo sheegaya biyo yaraan culus, kuwaas oo halis ugu jira inay naftooddu halis u gasho biyo la’aan darteed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.