4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Wejigii labaad ee solarka wadooyinka oo laga bilaabay magaalada Laascaanood


Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– If-qoraxeedka wadooyinka ayaa wejigiisii labaad laga bilaabay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool taas oo wasaarada Tamarta ay wadey.

Agaasimaha Guud ee wasaaradan oo soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa dhagax dhigay mashruucan oo 70 biraha xambaara if-qoraxeedka lagu qotiminayo qaar ka mid ah wadooyinka magaalada.

Munaasibadan oo ay hadalo ka soo jeediyeen masuuliyiin kala duwan ayaa dhamaantood ay farta ku fiiqeen sida loogu baahan yahay ifka tamarta qoraxda oo wax badan ka taraya dhinacyada amaanka iyo bilicda magaalada Laascaanood.

"Waxaan maanta wadnaa agabka soolarka oo lagu rakibayo magaalada iyo agabkii lagu dayactiri lahaa kuwii hire ee wixii ka xumaaday" sidaa waxaa yidhi agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Cabdiraxmaan Abdeeq oo intaas ku daray in daryeelkooda iyo illaalintoodaba looga baahan yahay bulshada Laascaanood.

Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xassan ayaa in badan ku dheeraaday baahida loo qabey agabkan oo uu xusay in ay sii wadi doonaan illaa ay ku dhamaystiraan guud ahaan wadooyinka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa u mahad celiyey wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee hawshan iska xilsaartay wacaanu xusay in aanay ku filayn oo wili ay baahidu taagan yahay.

Mashruucan ayaa ku soo beegmaya xili ay inta badan kuwii horey loo taagey ay dameen isla markaana uu dhamaaday xilhayntii golaha Degaanka degmada Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool.