4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Al-shabaab oo meel fagaaro ah ku toogatay Afar dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen basaasnimo

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Wararka ka imanaya deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen Afar dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen hay’addo caalami ah iyo dowladda Soomaaliya.

Fagaaraha toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dad ah oo loogu yeeray in ay u soo daawasho tagaan toogashada dhalinyaadan.

Magacyada dhalinyarada toogashada lagu fuliyay :

1: Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 Sano jir ahaa ayay sheegeen Al-shabaab in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana uu gudbin jiray lambarada saraakiisha Al-Shabaab si loo duqeeyo,iyaga oo sheegay un qaadan jiray lacag dhan 50 Dollar.

2: -Cilmi Warsame Cumar oo ay Shabaab sheegeen in uu u Shaqeynayay Shirkad lagu Magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka Britain, isla markaana uu sidoo kale hagi jiray diyaaradaha duqeymaha ka fuliya Gobolka Hiiraan,isla markaana lacag ahaan u qaadan jiray 270 oo dollar.

3: Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee ku sugan Baladweyne iyo Jalalaqsi una qaabilsanbaa hagida diyaaradaha wax duqeeya,sidoo kalena mushaar ahaan uu u qaadan jiray 477 dollar.

4: Maxamuud Abuukar Xaaji ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta, isla markaana uu u qaabislanaa in uu Shirqoolo Saraakiisha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Toddobaadkii hore ayeey sidan oo kale Al-shabaab waxaa ay meel fagaaro ah ku toogteen shan ruux oo saddex ka mid ah ahaayeen Kenyaan, kuwaa oo ku eedeysanaa in ay u basaasayeen AMISOM iyo Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]