3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2019
Golaha wasiirrada oo ka hadlay amniga, warbixinna ka dhageysatay wasiirrada Amniga iyo Gaashandhigga

Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shir aan Caadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda.

"Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in cadawga looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagaraha ay argagaxisadu maleegayso." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xafiiska ra'iisul wasaaraha uu uga hadlay shirka wasiirrada.

"Golaha ayaa isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed." ayuu ku daray qoraalka.

Shirkan ayaa ku soo aadday xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow uu shaaciyay in la xiri doono waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah howlgallo cusubna la billaabi doono.

Toddobaadkii u dambeeyay ayaa caasimadda Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, waxaana la ogeyn tallaabada amniga ee ay dowladda qaadday inay xal u noqon karto xaaladda ammaan ee Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
3/30/2019 4:12 PM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballanqaaday inay xal u raadin doonaan xaaladda amni ee magaalada Boosaaso,kaddib markii uu maanta halkaas gaaray.

3/30/2019 1:32 PM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo goor dhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalad deg deg ah oo lagu xaqiijinayo Amniga lagu soo rogay magaalada Muqdisho.

3/30/2019 10:05 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweyne Biixi ayaa xilalkii ka qaaday saddex masuul oo Hanti dhawrku ku eedeeyey musuqmaasuq, kuwaas oo baryahanba la sugayey in xil ka xayuubin lagu sameeyo.

3/30/2019 7:12 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo socdaalkii ugu horreyay ku maraya deegaannada bariga ku yaalla ayaa sheegay inay ahmiyada koowaad siin doonan ciidanka iyo amniga.

3/30/2019 6:37 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Wasaarradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa isbadal cusub ku sameeysay qaab dhismeedkii taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. iyadoo taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka loo magacaabay Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

3/30/2019 6:11 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Saciid Maxamed Qoorsheel oo ah guddoomiye ku-xigeenka xarunta tallaada soo jeedinta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay oo sheegaya in siyaasiyiin uu ka mid yahay dowladdu lacago siiso

3/30/2019 5:35 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Waxaa maanta baaqday oo aan qabsoomin kulankii ugu horeeyay Kalfdhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka kaddib markii inta badan xildhibaannada ay soo xaadiri waayeen.

3/30/2019 3:32 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

3/30/2019 12:49 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa Arbacadii toddobaadkii hore meel fagaaro ah deegaan hoostaga degmada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay toogasho ku dileen saddex muwaadiniin Kenyaan ah oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka.

3/30/2019 12:36 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada City Heights ee dalka Mareykanka horaantii bishan ayaa Ciidanka Mareykanka ay kasoo qabteen dalka Panama sidda ay sheegeen ciidamada Booliska Magaalada San Diego.

3/30/2019 12:30 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)- Toddobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa si is daba joog ah u xirnaa jidadka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

3/30/2019 12:05 AM EST
Sabti, Maarso, 30, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhigga Shanaad ee dhawaan uu furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.