4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Al-shabaab oo dib u qabsaday deegaanno ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya

 

Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab dib ula wareegeen deegaanno ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mishaar la’aan.

Dadka degmada Dhanaane ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen gaadiidka saacadihii ugu danbeeyay gaadiidka dagaalka Al-shabaab oo gudaha u sii galaya degmada, iyadoo aysan jirin wax iska hormimad ah oo dhacay.

Sidoo kale Al-shabaab warar ay faafiyeen baraha bulshada ayeey ku sheegeen in ay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War maalintii shalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku dhaqaaqay tallaabadan oo kale, iyaga oo deegaannada ay banneeyaan ay dib ula wareegaan xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]