4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Saddex ruux oo Soomaali ah oo lagu dilay weerar goor dhaw lagu qaaday Masjid ku yaala New Zealand

 

Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaada Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Hiiraan Online oo si dhaw ula soctay dhacdadan ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday weerarka Masjidka lagu qaaday waxaana ka mid ah : Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo la sheegay in uu ahaa Macalin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaalladii Biyaha ee Soomaaliya iyo waliba Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Jameecada Masjidka ayaa xiliga uu weerarku dhacayay waxaa ay u fadhiyeen Salaada Jimcaha, waxaana ay mar kaliya maqleen dhawaqa rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Booliiska kuma uusan guuleysan uu qabto qofka weerarka ku qaaday Masjidka oo la sheegay in uu siweyn uga soo horjeedo soo galootiga.

Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacayso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]