4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Wafdiga madaxweynaha Puntland ee ku sugan dalka Shiinaha oo saxiixay heshiisyo kobcinta dhaqaalaha ah iyo horumarinta magaalooyinka


Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Madaxweynaha  Puntland , Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa ku saxiixay magaalada Tongxiang  heshiisyo kobcinta dhaqaalaha ah iyo horumarinta magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale ,wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka kaasi waxaa u hirgalay kullamo iyo booqashooyin xarumo dowladeed, Warshaddo wax soo saar, goobo caafimaad iyo rugta ganacsiga.

Dhinaca kale,waxay wafdigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda waddanka Shiinaha iyo shirkado ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, waddada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

Waxay wafdigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo  Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.

2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay'adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone.

Heshiisyada  waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]