4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2019
Maamulka Galmudug oo shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada

 

Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)War qoraal ah oo ka soo baxay dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shir deg deg ah leysugu yeeray madaxda maamulada qeybta ka ah dowladda dhexe ee federaalka, kaa oo looga arisanayo xaalada guud ee dalka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku qornaa Luuqada Englisha -ka ayaa lagu sheegay in dowladda  Soomaaliya ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday, waxaana lagu  eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay burburinta nidaamka federaalka ee  dalka ka jira. 

Dowladda federaalka ayeey sidoo kale ku eedeysay in ay dagaal kula jirto maamulka Galmudug, islamarkaana laga jaray dhaqaalihii iyo  mashaariicdii horumarineed.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in  kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Beesha  Caalamka loogu baaqay in ay il gaar ah ku heyso xaalada Soomaaliya.

Maamulka  Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan magacaabida Ergeyga cusub  ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo dhowaan uu  magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Bartimhii bishii ina dhaaftay ee May ayeey  aheyd markii uu fashilmay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo  dowlad goboleedyada, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii  Garowe ka dhacay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]