4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2019
Sidee Shalay Looga Ciiday Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota VIDEO

Talaado, June, 04, 2019 (HOL)–Gobolka Minnesota magaaladiisa Soomaalidu ugu badan tahay ee Minneapolis ayaa shalay xaranta ugu wayn ee shirarka oo lagu magacaabo Minneapolis Convention Center ayaa waxaa isagu yimi dad kor u dhaaafaya labaatan kun oo qof , iyadoo shalay salada ciida lagu tukaday sadax jeer oo buuxa.

Masaajidka Abuukar Sadiiq ee Magaaladda MPLS ayaa ka shaqeeyey salaada goobta ay ka dhacaysay waxayna u diyaariyeen si habsami leh, Maamulaha Masaajidak Cabdulahi Faarax oo loo yaqaan Cabdiwaajid ayaa HOL u sheegay shalay inay ahayd sanadkii ay ugu badnaayeen dadwaynahu, waxaana la tukaday 3 jeer oo buuxda.

Dadka oo subaxnimadii hore ee shalay si  raxanraxan u soo galaayey xaruntan ayaa faras magaalaha MPLS waxaad shalay moodaysay in uu kuyaal dhul muslim, caruur iyo ciroole ma lahayn cid ka maqan, muslimiinta Minnesota dagan oo ka soojeeday dalal badan oo dunidan ah  ayaa soo camiray goobta salaada lagu takunaayey.

Ciidamada Booliiska Minneapolis ayaa aad u adkeeyey goobtan amaankeeda dhan walba waxaa ka muuqday booliiska oo kala hagaya dadwaynahii Muslimiinta ahaa ee shalay gudanaayey salaadu fidriga.

Sida ay u dhacday Salaadii iyo Salaamahii dadwaynaha ka daawada Video ga hoose.