Arbaco, June, 05, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ka
digtay in Shan
milyan iyo afar boqol oo kun
oo Soomaali ah oo ay saameyeen abaaro sii xumaanaya oo ka jira
Soomaaliya ay halis ugu jiraan in bisha soo socoto ay wajahaan cunto yari aad u
daran, haddii aanan si deg deg loo helin gargaar naf badbaadin ah.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in abaarahaan oo la
xiriira dhinaca cimilada ay yihiin kuwo kusoo laab laabtay Soomaaliya ,tani
ayaa sii murjineysa xaalada nololeed ee mallaayin qof oo ay mar hore soo
barakiciyeen colaada gaamurtay ee ka taagan Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay Soomaalida
bilaabeen in ay ka soo kabtaan saameyntii ay ku reebtay abaar socotay mudo laba
sano ah taas oo soo dhamaatay sanadkii 2017,abaartaas ayaa waxaa ay ku qasabtay
inay guryahooda ka cararaan in ka badan hal Milyan oo qof si ay u raadsadaan
Cunto,biyo iyo Shaqo.
UNHCR ayaa ku warantay in abaarta hadda ka jirta
Soomaaliya ay ilaa iyo hadda ku barakaceen dad gaarayaa 50 Kun oo Ruux.
Afhayeen u hadlay Hay’addani oo lagu magacaabo Bieber Bloch
ayaa sheegay in cunta yarida ay mar hore bilaabatay,isaga oo ka digay in
waqtiga uu aad u yaryahay si loo gaaro dadka ay saameysay abaarta, waxaana uu
intaasi raaciyay in Bisha soo socota ay xaalada aad uga sii dari karto.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xaalada (Laba
milyan iyo laba Boqol oo qof oo kun) oo Soomaali ah ay hadda la liitaan gaajo
una baahan yihiin cunto iyo gargaarBani’aadanimo oo deg deg ah.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in
hadda kaliyA la helay (Todobo bolol iyo Toban Malyan) oo dollarka
Mareykanka ah oo gar gaar deg deg ah loogu iibin rabo dadka ay abaarti
saameysay ee ku nool gudaha Soomaaliya.
VOA