4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2019
Diridhabe oo dadkii abid ugu badnaa ay soo xaadiray Salaaddii Ciidda

Talaado, June, 04, 2019 (HOL)– Ismaamulka magaalada Diridhabe ayaa maanta si wayn looga dabaaldaggay Ciidul fidrigii, iyagoo shacabka qaybihiisa kala duwan ay saaka isugu soo baxeen barxadda wayn ee alaaba lagu tukado Salaadda Ciidda.

Haddaba fagaarihii salaadda lagu tukanayay ayaa waxaa shacabkii halkaa isugu yimid lahadlay masuuliyiinta Ismaamulka Diridhabe iyo qaar kamid ah Culimada magaalada Diridhabe oo dhammaantood ka hadlay qiimaha ay leedahay maalintan Ciidda.

Ciidan Ciidul fidriga ayaa kusoo hagaagtay xilli magaalada Diridhabe ay ka jirto nabadgalyo la isku halayn karo, taasna ay sababtay in dadka yimid goobta lagu tukanayay Ciiddan ay ka tiro badnaadaan kuwii Ciidihii hore.