Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed oo ku Abaal-mariyay Hey’adda Hormuud Foundation Taakuleyta dadka dan yarta ah
Talaado, June, 04, 2019 (HOL) – Kulanay soo qaban
qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa looga mahad celiyayshirkadda
Hormuud wax qabadka iyo taakuleynta ay siiso dadka dan
yarta ah ku nool Gudaha Soomaaliya.
Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho aya waxaa ka soo qeyb galay Hal-doorka
Odayaasha dhaqanka Somaliyeed, Culimaa’uddiinka, Qaar ka mid ah Madaxda
Jaamacadaha, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,
Qeybaha kale ee bulshadda iyo Xubno matalayay Shirkadda Hormuud.
Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho
ayaa Ujeedka ay odayaasha usoo qaban qaabiyeen waxay ku sheegeen inuu ahaa mid
ay ku Bogaadinayaan waxqabadka iyo taakuleynta iyo ay la garab taagantahay
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa.
Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeybgalayay Kulankan ayaa sheegay in xiligan
marnaba aysan habooneyn in la xaqiro Adeegyada wax-tarka leh ee ay shirkadda u
heyso umada ku nool gudaha Dalka iyo Dibediisa.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan
Xaad oo Munaasabadda furay ayaa Sheegay in ujaaddada loo dhigay gogoshani ay
eheed in looga mahad celiyo shirkadda Hormuud wax qabadka aan la koobi karin ee
ay u heyso umaddeeda.
Salaadiintii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood isku raacay in Deeqihii
ugu dambeeyay oo ayt shirtkadda Hormuud ugu deeqday dadweynaha ku tabaaleysan
Magaaladda Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ay muujiyeen muhimadda ay u
leedahay Bulshada, waxa ayna caddeeyeen in Hormuud ay tahay Shirkada Qaran,
loona hanyahay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinteeda.
Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir
ayaa ka sakow Qabashada Kulankan mahad celinta ah ka dib sheegtay in marnaba
aan la ilaawi karin adegyada haqabtirka leh oo ay shirkadda hormuud siiso
bulshada ku nool Dalka iyo Daafahiisa.
Ugu dambeyn Odoyaasha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Shahaado sharaf lagu
dhiirri gelinayo laguna garab istaagayo Shirkadda guddoonsiiyey Hey’adda
Hormuud Foundation, waxaana u guddoomey Guddoomiyaha Hey’adda Mr. Cabdullaahi
Nuur Cismaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]