4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2019
Kumannaan dadweyne ah oo u damaashaad tagay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho


Talaado, June, 04, 2019 (HOL) – Iyadoo maanta guud ahaan marka la eego dunida Muslimka siweyn loogu dabaal-degay munaasabada Ciidul Fidriga, ayaa dhinaca kale Kumannaan ka mid ah dadka reer Muqdisho waxaa ay maanta u damaashaad tageen xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Waalidiin fara badan ayaa caruurtooda u soo kaxeeyey inay ku ogaan salaadda ciidda kulana damaashaadaan deegaanka daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxadda maalintan Ciidda iyagoo isugu hambalyeynayey gudashada waajibaadka rabbi ee bishii Ramadan iyo farxadda maalinka ciidda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Abdirahman Omar Cismaan Yarisow, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi, Taliyaha booliska, General Bashiir Abdi Mohamed, Taliyaha Ciidanka lugta, General Odowaa Yusuf Rage iyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa ka mid ah dadka usoo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam iyagoo waqti la qaatay dadka u soo dalxiis tagay Beerta Daaru-salaam.

Gudoomiye Eng Yarisow oo ka hadlayey munaasadbadda ciidda ayaa ugu hambalyeeyey dadka reer Muqdisho munaasabadda ciiddul fitriga sanadka 1440H Isagoo kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed adkaynta mindimada iyo wadajirka.

“Maanta maalin Ciid waaye, Marka hore hambalyo hambalyo Ciid Mubaarak, in Soomaaliya sideey ahaan jirtay kusoo noqoto Ciidul Fitriga waxaan rabnaa in ilaahay nooga dhigo tii na mideyso na guuleyso.

''Wadankaan wuxuu u baahan yahay waa dhalinyaro, dhalinyaro waxaa la idin karabaa doorka aad ku leedihiin wadanka inaad ka qaadataan. Wadankaan wuxuu ubaahan yahay horumar, horumarkiisana cidda laga rabana waa dhamaanteen. Qof walba waxaa laga rabaa inuu noqdo muwaadin, daacad ah wadankiisa u shaqeeya umadisa u adeega”

Qaarka mid ah dadka u soo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam ayaa iyana dhankooda cabiray dareenkooda farxadeed ee ku aadan munaasabadda salaanna hawada umariyey eheladooda ku kala dhaqan daafaha dunida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]