4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2019
Dabaal degga Ciidda ee Muqdisho

Talaado, June, 04, 2019 (HOL)–  Xilli muslimiinta ay maanta u dabaaldegayaan munaasabadda Ciiddul Fitriga, muslimiin badan ayaa saaka saaladda Ciidda ku tukaday meelo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya.

Caasimadda Muqdisho ayaa maanta si weyn ciidda looga ooggay ,iyadoo masaajidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho ay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya shacabka kula tukadeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya,ra'iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre,madax kale oo ka tirsan dowladda,xubnaha golayaasha kala duwan ee dowladda ayaa si wad jir ah boqollaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhankiisa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay dabaal degga Ciidda,isagoo u rajeeyey in ilaahay uu dhibta ka saaro,sannadkan sanadkiisana uu ku gaarsiiyo guul iyo barwaaqo.

Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhammaantood ugu hambalyeeyey dabaal degga munaasabadda Ciiddul fitriga,maaddaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray,isalamarkaana waxaa ay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro.

Sidoo kale, waddooyinka waa weyn ee caasimadda ayaa bandhigyo waxaa ku sameeyay ciidanka banboyda iyo kuwa booliska, halka uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dadweyne badan kula hadlay taallada Daljirka Dahsoon oo xilliga dadweyno badan ay ku sugnaayeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]