4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Donald Trump oo la kulmay boqoradda Ingiriiska billowga booqashada UK


Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Madaxweyne dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa booqasho saddex maalmood ah uga billaabatay magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Malania Trump ayaa la kulmay boqorada Ingiriiska iyagoo booqday qasriga Buckingham Palace. Trump iyo xaaskiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha waxaa si toos ah ay u tageen guriga uu ka degen yahay safiirka Maraykanka magaalada London.

Hase yeeshee daqiiqado ka hor inta aysan soo caga dhigan diyaarada uu la socday Trump ayaa waxaa uu dhaliilay duqa magaalada London Sadiq Khan oo ay hadallo kulkulul isweydaarsadeen.

Trump ayaa twitterkiisa ku soo qoray inuu yahay Mr Khan qof qasaaray oo dhagax qabow ah, hadalkan ayaa uu ugaga jawaabayay war hore uga soo yeeray Sadiq Khan oo uu ku sheegay in Madaxweyne Trump aan London lagu soo dhoweyn doonin loona dhigi doonin rooga cas.

Wadahadalada Mr Trump iyo ra’iisul Wasaaraha Britain ee xilka ka sii degeysa Theresa May ayaa lagu wadaa in ay billowdaan berri iyagoo la filayo in ajandayaasha ugu waaweyn ee horyaala ay noqdaan arrimaha cimilada iyo weliba shirkadda fadhigeedu yahay dalka Shiinaha ee Huawei.

Banmaanbaxyo loogaga soo horjeedo Trump ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan qaar ka mid ah magaalooyinka UK mudada uubooqashada ku joogo,waxaana ka mid ah magaalooyinkaas London, Manchester, Belfast, iyo Birmingham.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]