4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Qatar oo ka hortimid natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran

Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Dowladda Qatar ayaa diidday natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah.

Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa Axaddii ku gacan seertay qodobbada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dowladdiisa ka aamustay oo aanay taageerin go’aanadii ka soo baxay shirarkii degdega ahaa ee ka dhacay magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Carabta, ururka Islaamka iyo shirka golaha Iskaashiga Khaliijka.

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka.

"Dalalka waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar.

Dhinaca kale ,wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska.

Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]