4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Midowga Yurub


Isniin, June, 03, 2019 (HOL) -  Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.

Midowga Yurub ayaa ka taageera Soomaaliya amniga iyo horumarinta hay'adaha dowladdda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]