4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2019
Wasaradda Haweenka oo cambaareysay fal kufsi ah oo Gabar 9sano jir ah loogu geystay degmada Buula-burte

 

Isniin,June, 03, 2019 (HOL)-Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, waxaa ay si adag u cambaaraynaysaa falka naxariis darrada ahaa ee lagula kacay gabar yar ee sagaal jirka ah, 29kii bishii Maajo 2019 magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiraan.

Falkan lagula kacay Gabadha 9sano jir ah ayaa sidoo kale waxaa cambaareysay Qaramada Midoobey iyo Ururrada u doodda xaquuqda Aadanaha iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Kiis noocan oo kale  ah laga soo calamaadiyo guud ahaaba gobolka Hiiraan.

Wasaarradda ayaa sheegtay in mar ay wareysteen Ehelka Gabadha dhibanaha ah waxaa ay u sheegeen in falkan uu ku kacay qof hubeysan, sidaa daraadeed wasaarradda ayaa ka codsatay hay'addaha Amniga in gacanta lagu soo dhigo qofkii ka danbeeyay falkaa. 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]