4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Yuusuf Dabageed oo sheegay in markii saddexaad la soo weeraray

 

Isniin, June, 24, 2019 (HOL) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wali ku adkeysanaya xafiiska ayaa shir jaraa’id ku sheegay in markii saddexaad lagu soo weeraray xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa weerarkaasi ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay mid la doonayay in xarunta looga saaro, hasse ahaatee sida uu hadal u dhigay ay iska diideen shacabka ku  dhaqan magaalada Beledweyne.

‘’Weerarkaa waxaa ku lug lahaa dad Soomaaliyeed iyo ciidamo ajnabi ah, wuxuuna ahaa weerar afgambi, laakiin waan ka guuleysanay’’ ayuu yiri Yuusuf Dabageed guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in bulshada reer Hiiraan looga baahan yahay in ay aayahooda ka wada hadlaan, tallada gacantooda lagu soo celiyo, isaga oo intaa ku daray in ay raali –galin ka bixinayaan wixii horay u dhacay.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili maanta kulan magaalada Beledweyne ay ku yeesheen madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare iyo saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM, waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Cali Maxamed Caraale iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee hoggaanka ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]